Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Juventus oo heshiis la gaartay Morata
Chelsea's Spanish striker Alvaro Morata celebrates after scoring the opening goal of the English Premier League football match between Chelsea and Brighton and Hove Albion at Stamford Bridge in London on December 26, 2017. / AFP PHOTO / Glyn KIRK / RESTRICTED TO EDITORIAL USE. No use with unauthorized audio, video, data, fixture lists, club/league logos or 'live' services. Online in-match use limited to 75 images, no video emulation. No use in betting, games or single club/league/player publications. / (Photo credit should read GLYN KIRK/AFP/Getty Images)

Juventus oo heshiis la gaartay Morata

Kooxda Kubadda Cagta Juventus ee dalka Talyaanig ayaa heshiis horudhac ah la gaartay dhiggeeda Chelsea,waxaana la sheegayaa in Juventus ay horumar ka sameyneyso dalabka Alvaro Morata.

Wargeyska  Daily Express,ayaa sheegaya in Chelsea ay amaah ku diereyso Morata islamarkaana ay Juventus ka qaadeyso lacag dhan £15m.

Intaas kaddib ayey Juventus iibsan kartaa Morata marka uu dhamaado xagaaga dambe iyada oo bixineysa lacag dhan £40Milyan oo dheeraad ah taas oo ka dhigaysa lacag dhan £55Milyan.

Morata ayaa markii uu ku biiray Chelsea xagaagii hore aan wax isbeddel ah ku soo kordhin kooxda waxaana inta badan la degay dhaawacyo hareeyay mustaqbalkiisa Chelsea.

Waxaa uu mar u soo ciyaari jiray Juventus isaga oo amaah kula joogay waxaana xilligaas lahayd kooxda Real Madrid ee Laligaha dalka Spain.