Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Kenya iyo Somaliya oo ciyaaraya Berri

Kenya iyo Somaliya oo ciyaaraya Berri

Kooxaha Kubadda Cagta ee kala matalaya xulalka Kenya iyo dalkeenna Soomaaliya ayaa berri galab ku ciyaaraya Garoonka Muyinga Stadium, ee dalka Burundi.

Kenya waxaa ay horay u soo garaacday Burundi,waxaana ay bar barro la gashay xulka Itoobiya,Soomaaliya waxaa ay horay saddex dhibcood uga qaadatay Itoobiya,waxaana ay bar barro la gashay Xulka Burundi.

Labada dal ayaa isha ku haya in ay sami finalka Gruop-ka A ka soo baxaan ciyaarta berri,iyada oo sidoo kalena Itoobiya iyo Burundi ay is wajahayaan isla waqtigaas.

Ciyaarta waxaa ay dhici doontaa 3:30 PM ee geeska Afrika waxaana dhamaan xulalka ku jira Group A ay berri wada ciyaarayaan isku saacad.

Xulka Soomaaliya ayaa ku haraya haddii lagaga badiyo wax ka badan saddex Gool,Itoobiyana ku badiso wax ka badan 4 gool.