Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Klose oo tababare ka noqday Bayern

Klose oo tababare ka noqday Bayern

Xiddiggii hore ee Kooxda Bayern Munich Miroslav Klose, ayaa dib ugu laabtay Kooxdiisii hore halkaas oo uu ka helay jago dhinaca maamulka kooxda ah.

Miroslav Klose,waxaa ay Bayern u magacowday in uu noqdo tababaraha da’yarta 17 jirrada Bayern,isaga oo xirfadda tababarenimada halkaas ka billaabaya.

Agaasimaha dhimaca ciyaaraha Kooxda Bayern Hasan Salihamidzic,ayaa sheegay in iyaga oo dib u eegaya ciyaartooydii ugu wanaagsanaa kooxda ay Klose u garteen in uu noqdo tababaraha cusub ee 17 jirrada Kooxda.

Klose waxaa uu xilka kala wareegay Holver Seitz,kaas oo isna loo dallacsiiyay tababaraha 23 jirrada Bayern Munich,waxaana uu saxiixay qandaraas ilaa 2020ka ah.

Xiddiggan waxaa uu ka mid ahaa magacyo waaweyn oo soo maray Kooxda Reer Germeny ee Bundesligaha xoogga ku heysata,waxaana ay hadda u garteen in uu ka mid noqdo tababarayaasha Bayern.