Home - CIYAARAHA SOMALIDA - Kooxaha Banaadir SC iyo Madbacadda oo maanta isku Qabanaya Somalia Premier League
????????????????????????????????????

Kooxaha Banaadir SC iyo Madbacadda oo maanta isku Qabanaya Somalia Premier League

Kooxda Banaadir Sports Club ayaa maanta ciyaar adag la qaadan doonta naadiga Madbacadda Qaranka, iyadoo ciyaartaas ay labada kooxood diyaar garow xooggan ugu jiraan in ay Natiijo wanaagsan ka keenaan.

Labada kooxood ayaa Galabta ku wada ciyaari doona Garoonka Koonis ee Degmada Cabdicasiis, waxaana dhibco ahaan u dhexeeya 1 dhibac oo ay ku horreyso Banaadir SC oo leh 7 dhibcood, halka Madbacadda ay leedahay 6 dhibcood, ilaa hadda oo ay ciyaareen min 5 kulan.

Banaadir SC haddii ay adkaato kulankan waxay dhanka dhibcaha u dhowaan doontaa kooxda kaalinta 3-aad ee Heegan oo 11 dhibcood leh, waxayna rajo ka geli doontaa horyaalka oo qudhiisu 4 dhibcood hoggaanku uu u jirsanayo.

Madbacadda qudheedu in ay Badiso waxay ka caawineysaa in ay ku dhowaato hoggaanka, waxayna yeelan doontaa 9 dhibcood iyadoo 5 hoggaanka sare uu u jirsanayo.

Kulankii Shalay ee dhexmaray kooxaha Horseed iyo Dekadda ee horyaalka wada hoggaaminaya ayaa ku dhammaaday garab dhac aan goolal laheyn, waxayna Horseed sidaas ugu sii hoggaamin doontaa faraqa goolasha oo ay uga wanaagsantahay Dekadda oo min 14 dhibcood ay leeyihiin.

Kulanka: Banaadir SC vs Madbacadda

Garoonka: Koonis Muqdisho

Waqtiga: 03:30pm Galabnimo waqtiga Geeska Afrika

Leave a Reply

Your email address will not be published.