Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Kooxaha Brazil midabadooda oo ay xiranayaan xulalka World Cup-ka

Kooxaha Brazil midabadooda oo ay xiranayaan xulalka World Cup-ka

Kooxaha Kubadda Cagta Dalka Brazil ciyaara ayaa la sheegayaa in midabbadooda ay xiran doonaan qaar ka mid ah Waddamada ka qeybgelaya Koobka Kubadda Cagta Adduunka ee dalka Ruushka ka dhacaya.

Arrintan lama sheegin sababta ka dambeysa waxaase la soo bandhigay Waddankasta iyo kooxda uu midabkeeda qaadanayo oo uu ku ciyaarayo,waxaana ka mid ah;

Midabka Kooxda Atltico Paranense ,waxaa xiran doona Spain.

Midabka Kooxda Gremio waxaa xiran doona  Uruguay, Luis Suarez iyo Cavani,ayaana xiranaya.

Kane, Ali, Sterling oo Engaland ah waxaa ay xiran doonaan midabka kooxda  Santos.

France ,waxaa ay xiran doontaa midabka kooxda Avai Fútbol Club.

Midabka Kooxdii Shilka diyaaradeed ku baaba’day ee  Chapecoense ,waxaa xiran doona xulka  Colombia.

Midabka Kooxda Cruzeiro ,waxaa xiran doona Iceland.