Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Kulamo ka tirsan Champions league oo Caawa la ciyaari doono, Juventus iyo Tottenham waa ka mid!

Kulamo ka tirsan Champions league oo Caawa la ciyaari doono, Juventus iyo Tottenham waa ka mid!

Kulamo xiiso badan oo ka tirsan koobka kooxaha Yurub ee Champions league ayaa waxaa laga ciyaari doonaa Garoomo ku yaalla dalalka Talyaaniga iyo Switzerland.

Kulan ka mid ah kuwaas wuxuu ka dhici doonaa Garoonka Juventus Arena, waxaana isku fara saari doona kooxaha Juventus iyo Tottenham, iyadoo Natiijo dhaxal gal ah laga filan karo labada naadi.

Kooxda Juventus oo ku faaneysa hannaan difaac iyo Tottenham oo Weerar iyo difaac isku dhis ah wadata ayaa ku kulmi doona ciyaartaas.

Dhanka kale Manchester City oo reer England ah ayaa marti u noqon doonta kooxda Basel ee dalka Switzerland, waxaana ciyaarta labada kooxood ay ka dhici doontaa garoonka kooxda Basel.

Champions League – Round of 16 February 13

10:45 Basel ? – ? Manchester City

10:45 Juventus ? – ? Tottenham Hotspur

Leave a Reply

Your email address will not be published.