Home - CIYAARAHA SOMALIDA - Kulanka Derby Ciidanka Soomaaliya Heegan vs Horseed, maxaa kala heysta?

Kulanka Derby Ciidanka Soomaaliya Heegan vs Horseed, maxaa kala heysta?

Kulanka xiisaha Badan ee ka tirsan horyaalka Kubadda cagta Soomaaliya ayaa wuxuu ka dhacayaa garoonka Koonis, iyadoo Galabta la filayo in taageerayaal badan ay xaadiraan.

Ciyaarta waxay u dhexeysaa kooxaha Heegan iyo Horseed, wuxuuna is beddel weyn gelin doonaa kala sarreynta horyaalka.

Haddii ay Horseed Adkaato waxay hoggaanka horyaalka la qaban doontaa kooxda kubadda cagta Dekadda oo kulankeedii Shalay 7-1 ku dhufatay naadiga Madbacadda Qaranka.

Heegan ayaa dhankeeda marka ay badiso waxay 14 dhibcood wadaag kula noqon doontaa Horseed, labada kooxood midba hiigsi ayey ka leedahay kulanka Galabta dhici doona.

Sanadkan horyaalka Somalia Premier league aad ayuu uga xamaasad badanyahay sanadihii hore, iyadoo kooxaha horyaalka ugu xooggan badankood ay isugu faanayaan ciyaartoydii kooxda Jeenyo oo dhaqaala darro Awgeed kala dirtay xiddigihii kooxda ugu Muhiimsanaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.