Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Kulanka ugu horreeya tabababaraha beddelaya Wenger oo la shaaciyay

Kulanka ugu horreeya tabababaraha beddelaya Wenger oo la shaaciyay

Kooxda Kubadda Cagta Arsenal ayaa soo bandhigtay qorshaha safarkeeda dalxiiska iyo kulamada caalamiga ah ee ay ciyaareyso.

Kooxda waxaa ay kulankeeda ugu dambeeya Premier League xagaagan la ciyaareysaa Kooxda Huddersield taas oo heerka bad baadada u soo baxday kaddib markii ay labo Habeen ka hor bar barro la gashay Chelsea.

Tababaraha beddelay Wenger oo aan wali la shaacin yaa la xaqiijiyay kulanka ugu horreeya ee uu ciyaari doono,waxaana uu dhacayaa bisha July 14keeda.

Arsenal waxaa ay la ciyaareysaa Kooxda lagu magacaabo Boreham Wood.,kaddib waxaa ay u safreysaa Dalka Singapore halkaas oo ay ku ciyaareyso kulamo ka mid ah ICC Cup.

Waxaa ay ciyaari doontaa 2 kulan oo ay la ciyaareyso kooxaha kala ah Atletico Madrid oo ay la dheeleyso  July 26 ahalka ay la ciyaari doonto Paris Saint Germain  July 28.

Waxaa ay ku laabanayaan Europe waxaa ay la ciyaari doonaan Kooxda Man City kulan ka dhacaya Garoonka Dublin’ Aviva Stadium,waa kulan aan waqtigiisa si rasmi ah loo shacain laakiin la qiyaasayo 1da August 2018.