Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Laba Garsoore oo Premier League ah oo maanta ka baxaya Garsoorka Horyaalka England

Laba Garsoore oo Premier League ah oo maanta ka baxaya Garsoorka Horyaalka England

PREMIER LEAGUE Garsooreyaasha ka shaqeynayay waqtiga dheer ee Mike Jones iyo Neil Swarbrick ayaa maanta oo Horyaalka England uu soo dhammaanayo ka fariisanaya Go’aaminta xagga garsoorka.

Jones, waa 50-jir, halka Swarbrick, uu yahay 52-sano jir, waxay hadda keddib ku shaqeyn doonaan ugu badnaan Garsooreyaasha Afaraad oo garoonka ma geli doonaan.

 Mike Jones will no longer be the man in the middle

Labada sarkaalba waxay sii wadi doonaan ka shaqeynta Golaha Xirfadleyaasha Garsoorka Kulamada.

Waxay diiradda Saari doonaan la shaqeynta Aaladda VAR ee dhowaan kusoo wajahan Kubadda Cagta England.

Jones wuxuu qabtay 202 kulan kulankiisii ugu dambeeyayna wuxuu ahaa midkii West Brom ay 1-0 uga badisay Spurs ee ka dhacay Hawthorns Usbuuc ka hor.

 Neil Swarbrick will also help out with VAR

Wuxuuna Garsooraha Afaraad ka noqon doonaa kulanka Galabta ka dhacaya Anfield markaas oo Liverpool ay marti qaadi doonto Brighton.