Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Labada Milan oo ku dagaallama Garabka midig ee Ajax

Labada Milan oo ku dagaallama Garabka midig ee Ajax

Kooxaha ka dhisan magaalada Milano ee dalka Talyaaniga ayaa ku dagaallamaya xiddig Garabka midig uga ciyaara Kooxda Ajax ee dalka Holland.

Xiddiggan oo lagu magacaabo David Neres,ayaa waxaa ay koox kasta soo bandhigtay dalabkeeda,waxaana Kooxda AC Milan oo ku horreysay la sheegayaa in xiddiggan uu aad u afnacayo.

Wargeyska Calciomercato.com, ayaa sheegaya in xiddiggan uu aad ugu waanagsan yahay shaxda iyo farsamada tababare Gennaro Gattuso.

Inter Milan ayaa iyana soo bandhigtay baahida ay u qabto xiddiggan oo ay sheegtay in uu yahay xiddig xirfad wanaagsan aadna ay ugu baahan tahay.

Ajax waxaa ay sheegtay in Xiddiggaas kooxda dooneysa ay miiska iska saarto lacag dhan €30Milyan oo Euro,haddii kalena ay faraha kala baxaan.

Xiddigga Reer Brazil ayaa xulkiisa 20 jirrada matalay,waxaana horay u dalbaday Kooxda Tottenham Hotspur ee Premier League England ka ciyaarta.