Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Maamullada Warta Nabadda iyo Hodon oo isku heysta Xiddigga Farxaan Duqoow

Maamullada Warta Nabadda iyo Hodon oo isku heysta Xiddigga Farxaan Duqoow

Maamullada Degmooyinka Warta Nabadda iyo Hodon ee Magaalada Muqdisho ayaa isku heysta Xiddigga Farxaan Duqoow ee dhaliyay labada Gool ee ay Soomaaliya ku garaacday Dalalka Kenya iyo Uganda.

Farxaan ayaa waxaa uu ka mid yahay 17 jirrada Soomaaliya ku matalaya Ciyaaraha kubadda Cagta ee Bariga iyo baryamaha Afrika ee ka socda Dalka Burundi.

Markii xiddiggan uu soo shaac baxay waxaa uu amaan iyo duco kala kulmay dadweynaha Soomaaliyeed,waxaa ka mid ahaa Maamullada labada degmo ee aan sheegnay kuwaas oo uu midkasta sheeganayo xiddigga.

Guddoomiyaha Degmada Hodon  Cantoobo ayaa Facebook-giisa ku qoray in Farxaan Duqow uu yahay Ciyaaryahan ka tirsan Kooxda Degmada Hodon.

Image may contain: 2 people, people standing and text

Dhinaca kale Xoghayaha Degmada Warta Nabadda ayaa isna Facebook-ggiisa ku qoray in Ciyaaryahanka Farxaan Duqoow uu degganyahay Degmada Warta Nabadda maamul ahaanna ay ku faraxsanyihiin.

Image may contain: 2 people, text