Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Man City oo £167 Milyan ku heli karta Mbappe

Man City oo £167 Milyan ku heli karta Mbappe

Kooxda Kubadda Cagte ee Man City ayaa shaacisay in ay diyaar u tahay in ay iibsato Xiddigga lagu magacaabo Kylian Mbappe,kaas oo ay hadda PSG heysato hayeeshee dacwad ka taagan tahay.

City waxaa ay sheegtay in lacagta sare ay ku bixin doonaan Xiddiggan haddii UEFA ay ku qasabto PSG in ay iibiso Kylian Mbappe.

UEFA ayaa hadda baaritaan ku wadda Kooxda PSG oo loo heysto in lacago xad dhaaf ah ay gelisay Suuqa,kuwaas oo ka badan inta uu oggolyahay Nidaanka Xiriirka Kubadda Cagta Qaaradda Europe ee UEFA.

Xeerka FFP ayaa lagu wadaa in uu PSG ku qasbo in ay iibiso xiddiggaas waxaana diyaar u ah Kooxda Man City oo lacag dhan £167 Milyan la taagan bannaanka.

Baaritaanka ku socda PSG haddii lagu helo waxaa suuragal ah in lagu qasbo iibinta Xiddiggan,sidoo kalena waxaa laga yaabaa in suuqa oo dhan laga mamnuuco sida kooxaha waaweyn qaarkood ku dhacday oo kale.