Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Man United oo Dagaalkii dhaqaalaha ee Suuqa la geli doonta Real Madrid, Halkee Marayaa Loollanka Neymar??

Man United oo Dagaalkii dhaqaalaha ee Suuqa la geli doonta Real Madrid, Halkee Marayaa Loollanka Neymar??

Naadiga Man Utd ayaa Rikoodh cusub oo dhanka Suuqa kala Iibsiga ah Sameyn doonta marka ay soo qaataan laacibka ugu Qaalisan Dunida ee kasoo jeeda dalka Brazil.

  • United ayaa soo gashay loollanka loogu jiro Saxiixa laacibka dalka Brazil kaasoo qiimihiisu uu markii horeba ahaa £200m, sida uu wariyay Wargeyska the Mirror.
  • Naadiga Red Devils waxay rajo wanaagsan ka leedahay sidoo kale iney bixin doonto Mushaarka Waallida ah ee Neymar oo gaaraya £30m oo Gani Sanadkiiba.
  • Xiddigga kooxda PSG ayaa horay loogu maleynayay in uu ku biirayo kooxda Real Madrid xagaagan, ha yeeshee United madaxdeeda ayaa isku deyi doona Neymar Aabihiis in ay xiriir hoose la sameeyaan, in kastoo halyeeyadii Brazil oo aan u kala Soocneyn kuwo Barca soo maray iyo kuwii Real ay kula taliyeen Laacibkan inuu aado Real Madrid.
  • Neymar Sr ayaa laga yaabaa inuu taageerada uu u hayo United in ay ku qasabto inuu wiilkiisa ku qalqaaliyo ka ciyaarista Old Trafford maalin uun.