Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Mancini oo joojinaya heshiiskiisa Zenit St Petersburg,sababta?

Mancini oo joojinaya heshiiskiisa Zenit St Petersburg,sababta?

Tababare Roberto Mancini,ayaa la sheegayaa in Isniinta soo socota uu burrinayo heshiiska uu kula jiro Kooxda Kubadda Cagta Zenit St Petersburg ee dalka Ruushka.

Tababaraha ayaa la sheegayaa in maalinta Isniinta ah uu joojinayo heshiiskiisa Zenit St Petersburg,waxaana la filayaa in 48 saac gudahood uu heshiis u saxiixo xulka Kubadda Cagta Qarankiiisa Italy.

Kulamadii uu xagaagan maamulayay Kooxda Zenit St Petersburg waxaa uu guuleystay 21 kulan 13 bar barro ayuu galay halka  10 kulan la garaacay.

Wargeyska  Corriere della Sera,ayaa sheegaya in heshiiska Mancini ee kooxda Reer Ruush ee Zenit St Petersburg  uu ku ekaa 2020ka laakiin uu tababaraha go’aansaday baabi’inta heshiiskaas.

Waxaa uu Sanadkiiba ka qaadanayay Kooxda Zenit St Petersburg  mushaar gaaraya  €6Milyan oo Euroe,waxaase uu ka doortay xulka qaranka dalkiisa Italy.

Xulkiisa Italy waxaa uu sanadkiiba ka qaadanayaa €2Milyan oo Euro oo ay u dheertay dullaalnimada iyo natiijooyinka uu la yimaado xulka gaar ahaan in uu Italy u soo saaro Koobka Euroe 2020-ka.