Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Marco Silva oo qabanaya Benfica

Marco Silva oo qabanaya Benfica

Tababarihii hore ee Kooxda Watford ee Dalka England Marco Silva  ayaa la xaqiijiyay in xagaaga soo socda uu  qabanayo kooxda  Benfica ee Dalka Portugal.

Silva , ayaa bishii January ee la soo dhaafay laga ceyriyay Watford, kaddib 8 bilood oo uu ahaa tababaraha kooxdaas,waxaana hadda la sheegayaa in marka uu dhamaado xagaagan uu qabanayo Benfica .

Kooxdan 26kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka hal kulan oo kaliya ayaa lag badiyay laakiin waxaa ay kaalinta ugu hooseysay ku dhameystay Groupkii Champions League ee ay kula jireen Kooxaha kala ah Manchester United, Basel  iyo  CSKA Moscow.

Tababare Rui Vitoria,ayaa luminaya kooxda Benfica oo hadda suuqa ka raadineysa qofkii isaga beddeli lahaa,iyada oo Ninka ugu dhowna uu yahay Marco Silva  .

Leave a Reply

Your email address will not be published.