Wararkii U Dambeeyay
Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Mario Gotze oo Liverpool u saadaaliyay Champions Legaue

Mario Gotze oo Liverpool u saadaaliyay Champions Legaue

Weerarka Kooxda Borussia Dortmund, ee lagu magacaabo  Mario Gotze, ayaa Koobka Champions League ee xilli ciyaareedkan u saadaaliyay Kooxda Liverpool iyo Tababarehiisii hore ee Jurgen Klopp.

Xiddiggan ayaa sheegay uu Liverpool iyo Tababarihiisii hore u rajeynayo ku guuleysiga Koobka Champions League ee Qaaradda Europe kaas oo Liverpool ay hadda sami final ka joogto.

Liverpool waxaa ay la ciyaari doontaa Roma kulan ka tirsan Champions League kaddib markii la isku aaddiyay,waxaana Liverpool ay ka mid tahay kooxaha loo saadaalinayo.

Mario Gotze,waxaa uu sheegay in wali uu xiriir wanaagsan la leeyahay Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp,waxaana uu mar xiddiggan ahaa bar tilmaameedka Kooxda Liverpool.

Mario Gotze,, ayaa sanadkii 2016kii ka gaabsaday in uu ku biiro Liverpool,waxaana uu hadda sheegay in uusan wax wal wal ah ka qabin in ay Liverpool soo dalbato.