Wararkii U Dambeeyay
Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Martial oo ku biiraya Arsenal

Martial oo ku biiraya Arsenal

Weeraryahanka Reer France iyo Kooxda Man United Anthony Martial,ayaa la sheegayaa in uu ku biirayo Kooxda Kubadda Cagta ee Arsenal.

Anthony Martial,ayaa wararku sheegayaan in uu ka noyad jabay Manchester United kaddib markii tababaraha Reer Portugal uu qabtay Man United islamarkaana uu safi waayay xiddigga.

Mourinho ayaa xiddiggan ka door biday xiddigaha kala ah Rashford iyo Sanchez,waxaana xilli ciyaareedkan oo dhan uu u saftay United 16 kulan oo qaarkood uu beddel ku soo galay.

Waxaa uu hadda sheegayaa in uusan dooneyn in uu ka dhamaado Premier League islamarkaana uu doonayaa ku biirista Kooxda Arsenal.

Tababare Arsen Wenger ayaa sidoo kale la sheegayaa in uu xiddigan ka heysto oggolaansho la xiriira in uu diyaar u yahay ka ciyaaridda Emirates.

Sida ay qortay Jariiradda Le10Sport, ee dalka France,Wneger ayaa xiddiggan u sheegay in uu kula biiro Arsenal,halkaas oo uu ka helayo Boos joogta ah haddii uu ku biiro.

Sidoo kale Anthony Martial ,waxaa horay u shaaciyay in ay doonayaan kooxaha ka dhisan Magaalada London ee kala ah Tottenham iyo Chelsea.