Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Matteo Darmian oo ku biiraya Juventus

Matteo Darmian oo ku biiraya Juventus

Sida ay sheegayaan Wararka laga helayo dalka Talyaaniga, kooxda Juventus ayaa heshiiska laacibka Matteo Darmian kala heshiisay naadiga iska leh Milkiyaddiisa ee Man Utd.

Man Utd ayaa ku dhawaaqday in laacibkeeda difaaca ka ciyaara ee reer Talyaani laga Iibin doono kooxda Juventus ee heysata horyaalka Serie A.

Laacibkaan ayaan kooxda Man Utd ku heysan Safka joogtada ah, iyadoo macallin Mourinho uu Booskiisa u adeegsanayo xiddigga Antonio Valencia, xilli garoonka Old Trafford kooxda ku ciyaarta ay laacibkan u oggolaatay ugu dambeyn in uu ku laabto horyaalka Talyaaniga.

Kulankii u dambeeyay ee ciyaar Premier league ah la safo laacibkan waxay aheyd ciyaartii Arsenal ay la qaateen bishii December, markaas oo Gunners lagu garaacay 3-1, weliba markaas beddel ayuu kusoo galay ee Keydka ayaa lagu soo billaabay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.