Home - CIYAARAHA SOMALIDA - Maxaa galabta kala heysta Jeenyo iyo Heegan?

Maxaa galabta kala heysta Jeenyo iyo Heegan?

Kooxaha kubadda Cagta ee LL PP Jeenyo iyo Kooxda Booliska ee Heegan ayaa galabta ku hardamaya kulan ka tirsan horyaalka Somaliya Premier League.

Labada kooxood ayaa waxaa ay mid kasta dooneysaa in ay dhibco ka hesho kulanka Garoonka Banadir Stadium ka dhacaya.

Heegan waxaa ay leedahay 11 dhibcood,halka Jeenyo oo labadii kulan ee la soo dhaafay laga badinayay ay leedahay 5 dhibcood oo kaliya.

Koox kasta oo guul gaarta waxaa ay u tahay fursad u gaar ah,iyada oo Heegan ay horyaalka hoggaankiisa baadi goobeyso halka Jeenyo ay sanadkan ka joogto ka carar heerka 2aad.

Ciyaarta ayaa la baasan doonaa waqti dhowiyada oo ciyaartooyda labada kooxoodna ay hadda ku suganyihiin Garoonka,sidoo kale taageerayaal badan ayaa jooga Garoonka Banaadir Stadium ee Magaalada Muqdisho.

Heegan haddii ay kulankan garaacdo Jeenyo waxaa ay Hoggaanka kula midoobi doontaa Kooxaha Horseed iyo Dekadda oo min 14 dhibcood leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published.