Wararkii U Dambeeyay
Home - CIYAARAHA SOMALIDA - Maxaa Galabta kala Heysta kooxaha Banaadir vs Elman

Maxaa Galabta kala Heysta kooxaha Banaadir vs Elman

Kooxda Elman ayaa u baahan Galabta in ay ka Aarsato naadiga Banaadir SC oo 6 gool shabaqeeda Gaarsiisay Wareeggii hore ee Horyaalka, iyadoo ka warqabta in Sanadkan ay tahay kooxda kaliya ee Garaacday hoggaamiyeyaasha horyaalka Dalka ee Dekadda,

Elman waxay Usbuucii hore 3-0 ku Qaarajisay naadiga Dekadda, taasoo aan Khasaare la kulmin horyaalka oo dhan Sanadkan kulankaas ka hor.

Banaadir SC qudheedu kulamadii u dambeeyay horyaalka waxay ku jirtay Damaashaad, kooxina kuma aysan dhicin in ay hor istaagto, waxaana lagu xusuustaa in ay ciyaaro adag keddib hiigsatay kaalimaha hore ee horyaalka keddib Billow foolxun oo ay sanadkan kulamadiisii hore ee horyaalka ku billaabatay.

Labada kooxood waxaa kala hoggaaminaya macallimiinta, Cabid Joon iyo Husseini Mabalanga, waxaana labada Tababare lagu yaqaannaa in ay yihiin kuwo aad ugu dheereeya dhismaha kooxaha iyagoo kasoo billaabaya heerka hoose ilaa ay gaarsiiyaan naadiyada in aan la garaaci karin.

Cabdi Joon ayaa lagu xusuustaa dhismihii Dekadda oo ka mid aheyd kooxaha Heerka hoose laga celcelin jiray in ay u laabtaan, wuxuuna ka tegay kooxda oo Kaalinta 2-aad ku dhammeysatay isla markaana uu ballan qaaday Sanadkaas wixii ku xiga in uu horyaalka u qaadi doono, waana ay qaadday isagoo aan hoggaanka u heynin.

Koonis ayaa lagu ciyaari doonaa.

Saacadda waa goordhow: 03:30pm Galabnimo Geeska Afrika.