Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Maxaa kala qabsaday kooxo kala matalayay Qadar iyo Imaaraadka?

Maxaa kala qabsaday kooxo kala matalayay Qadar iyo Imaaraadka?

Labo kooxood oo ka kala socday Dalalka Qadar iyo Imaaraadka ayaa waxaa dhex martay Ciyaar kubadda Cagta ah kana tirsan Koobka Champions League ee Qaaradda Aasiya.

Billowgii Bishii hore xiriirka Kubadda Cagta Aasiya ayaa diiday codsi dowladaha go’doomiyay Qadar uga yimid oo ahaa in kooxahooda aysan la ciyaareyn kuwa Qadar ku matalaya koobkaas.

Kulankii dhexmaray kooxah Al Jazeera oo ka socatay Imaaraadka iyo Kooxda Al Gharafa ee dalka Qadar ka socotay.

Ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 3-2 oo ay ku badisay Kooxda mataleysay Dalka Imaaraadka Carabta, ciyaar ka dhacday Garoonka Mohammed bin Zayed Stadium ee dalka Imaaraadka Carabta.

Horyaalka Champions League ee Qaaradda Aasiya ayaa si xiiso leh uga socda Qaaraddaas waxaana xiddiggaha caanka ah ee ka dhexmuuqda ka mid ah xiddigga Wesley Sneijder oo u ciyaara Kooxda Reer Qadar ee Al Gharafa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.