Home - CIYAARAHA SOMALIDA - Maxay ku kala Baxeen, Heegan iyo Banaadir SC?

Maxay ku kala Baxeen, Heegan iyo Banaadir SC?

Kulankii xiisaha lahaa ee dhexmaray kooxaha Banaadir SC iyo Heegan ayaa waxaa lagu kala baxay garab dhac, iyadoo 1-1 ay labada kooxood isla dhaafi waayeen.

Goolasha ciyaartaas waxaa dhaliyay Marcel Samsung, oo Banaadir SC u dhaliyay goolkooda, iyo laacibkii hore ee isla kooxdaas u ciyaari jiray Cabdirisaaq Cali Maxamed oo isaguna Heegan u dhaliyay goolka Ciyaartaas Garabdhaceeda Sababay.

Heegan ayaa u muuqata mid aan sinaba uga hari doonin kooxda Banaadir ee ay raacdeysaneyso dhanka kala sarreynta horyaalka.

Banaadir SC ayaa hadda dhanka dhibacaha kala siman kooxda Horseed oo iyadana uu kulan u harsanyahay waxayna leeyihiin min 21-dhibcood.

Heegan waxay dhankeeda leedahay 20 dhibcood oo Cagta ayey cagta ugu heysaaa kooxaha Kaalinta 2-aad iyo Seddaxaad ee Horseed iyo Banaadir SC.