Home - CIYAARAHA SOMALIDA - Maxay ku kala Baxeen Heegan iyo Dekadda Kulankii Galabta?

Maxay ku kala Baxeen Heegan iyo Dekadda Kulankii Galabta?

Kooxda Heegan ayaa Taako u dhigtay naadiga horyaalka hoggaamineysa ee Dekadda, ciyaar xiiso badan oo ay galabta oo Isniin ah ku qaateen Garoonka Koonis ee Degamada Cabdicasiis.

Ciyaartii labada kooxood waxaa lagu kala Baxay Garab dhac aan Goolal laheyn, iyadoo mid kasta ay kooxahan isku dayday in ay goolal ka dhaliso naadiga kale.

Heegan oo rajo wanaagsan ka qabtay in ay kusoo dhowaato hoggaanka, iyo Dekadda oo dooneysay in ay kasii fogaato Horseed, waxay ciyaartoodu noqotay mid walba in ay dhibac ay ku qanacsantahay garoonka kala baxdo.

Naadiga Dekadda ayaa hadda leh 18 dhibcood dhanka kala sarreynta horyaalka, waxaana ku xigta naadiga Horseed oo leh 15 dhibcood, waxaana kaalinta seddaxaad ku jirta Heegan oo leh 13 dhibcood.

Leave a Reply

Your email address will not be published.