Home - CIYAARAHA SOMALIDA - Maxay kusoo Idlaatay ciyaartii Gaadiidka iyo Waxool?

Maxay kusoo Idlaatay ciyaartii Gaadiidka iyo Waxool?

Kooxda Waxool ayaa garab dhac ku celisay naadiga Gaadiidka ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Kubadda cagta ee Somalia Premier league.

Kulanka labada naadi ayaa kusoo idlaaday 1-1 iyadoo kooxda Waxool oo goolka ku horreysay uu qeybta hore u dhaliyay laacibkooda Gurxan, waxaana goolka garab dhaca ah kasoo celiyay kooxdiisa Gaadiidka laacibka Keykey oo ka mid ah xiddigaha muhiimka ah.

Gurxan ayaa dhaliyay mid ka mid ah Goolasha ugu qurxan Toddobaadkan horyaalka Soomaaliya, markii uu difaaca si xarago leh kubadda ula dhaafay, isla markaana uu Goolahayaha ka dul bootiyay Kubadda.

Labada kooxood midna uma uusan wanaagsaneyn Garab dhaca Galabta, waayo koox walba oo ka mid ah Guul ayey u dagaallameysay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.