Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Messi oo codka Veto-ga u adeegsaday ciyaaryahanno ay qaadan lahayd Barcelona!.
Soccer Football - Spanish King's Cup Semi Final First Leg - FC Barcelona vs Valencia - Camp Nou, Barcelona, Spain - February 1, 2018 Barcelona’s Lionel Messi after the match REUTERS/Albert Gea

Messi oo codka Veto-ga u adeegsaday ciyaaryahanno ay qaadan lahayd Barcelona!.

Weeraryahanka Reer Argentine iyo Kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa codka diidmada qayaxan ee Veto-ga u adeegsaday ciyaaryahanno ay go’aamiyeen kooxda suuqa ee Barcelona.

Kooxda Barcelona ayaa xilli ciyaareedkii la soo dhaafay qarash gareysay lacag dhan £350 Milyan oo ay kula soo wareegtay Philippe Coutinho, Ousmane Dembele iyo heshiis kordhinta Lionel Messi.

Coutinho iyo Dembele,waxaa ay beddel toos ah u yihiin Neymar, oo ku biiray Kooxda Paris Saint-Germain ee Dalka Frnace.

Andres Iniesta, ayaa xilli ciyaareedkan saddex kulan oo kaliya dhameystay 90 daqiiqo iyada oo dhamaan kulamada kale la beddelayay taas oo muujineysa in xiddigga ay shaqadiisa gabo gabo tahay.

Barcelona waxaa ay isha ku heysaa becddelka Andres Iniesta u rabtaa Ninka lagu magacaabo Verrati oo ka tirsan PSG.

Sida ay qortay jariiradda Diario Gol, Messi ayaa diiday in Verrati la keeno Barcelona isaga oo sheegay in uusan jeclayn in uu ka garab ciyaaro xiddigga reer Italy sidaas darteedna ay Barcelona isaga tagtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.