Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Messi oo magacaabay saddexda xiddig uu isugu soo haraya Ballon d’Or

Messi oo magacaabay saddexda xiddig uu isugu soo haraya Ballon d’Or

Halyeeyga Xulka Argentine iyo Koocda Barcelona Lionel Messi ayaa shaaciyay saddexda ciyaaryahan ee abaal gudka Ballon d’Or isugu soo hareysa sanadkan 2018ka.

Messi ayaa liiska saddexdaas qof ka reebay isaga iyo CR7,waxaana uu saddexda ciyaaryan ku kala sheegay Neymar, Kylian Mbappe iyo Luis Suarez.

Messi ayaa sheegay in waqtigii isaga iyo Ronaldo ay iska heysteen kubadda cagta ay soo dhamaatay hadda islamarkaana sanadka soo socda uusan u arkin in labadoodaba ay ka soo muuqan karaan xafladda lagu bixinayo abaalgudka sanadlaha ah.

Tobankii sano ee la soo dhaafay Messi iyo Ronaldo ayaa kala qeybsanayay abaalgudkan,waxaana hadda soo baxaya xiddigo badan oo ku heysta sida isaguba uuu qiray.

Labada xiddig ee PSG ka ciyaara ee Neymar, Kylian Mbappe ayaa ka mid ah kuwa sida gaarka ah isha loogu hayo,waxaana isaga uu ku daray Suarez oo ay ka wada tirsanyihiin Kooxda Barcelona.

Leave a Reply

Your email address will not be published.