Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Mo Farax oo kaalinta 3aad ka galay Marathon-ka London

Mo Farax oo kaalinta 3aad ka galay Marathon-ka London

Ororyahanka Asalkiisu Soomaaliga yahay ee u orda Dalka Ingiriiska mo Saalax ayaa waxaa uu shalay kaalinta 3aad ka galay Orodka Marathonka ee ka dhacay Magaalada London.

Eliud Kipchoge, oo u dhashay Dalka Kenya ayaa galay kaalinta 1aad,waxaana uu ka faa’ideystay Maxamed Faarax oo mar seexday inta Orodka lagu jiray.

Mo Farax inkasta oo uu kaalinta saddexaad ku dhameystay haddana waxaa uu jebiyay Rikoor Orodyahannada British-ka ah u yaallay oo ah Ninka waqtiga ugu dhow orday inta la xusuusto.

Shura Kitata Tola, oo u dhashay dalka Itoobiya ayaa galay kaalinta 2aad ee Orodka dheer ee London Marathon,waxaana uu Mo Faarax galay kaalinta 3aad.

Mo Faarax,waxaa uu orday Labo saac, lix daqiiqo iyo 32 ilbiriqsi,waxaana uu sidaas ku jebiyay Rikoor  cusub oo uu u dhigay Orodyahannada British-ka ah.