Wararkii U Dambeeyay
Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Monoco oo lacagtooda dib ugu celineysa taageerayaashii daawaday kulankii PSG

Monoco oo lacagtooda dib ugu celineysa taageerayaashii daawaday kulankii PSG

Kooxda Kubadda Cagta Monoco ee dalka France ayaa shaacisay in ay dhamaan lacagahooda dib ugu celienysi taageerayaasheeda xalay daawaday ciyaarti ay la qaateen PSG ee ku dhamaatay 7-1.

Ciyaartooyda Monoco ayaa laga soo qaaday wax kama jiraan waxaana lagu dhuftay 7-1 iyada oo mid ka mid ah goolasha uu iska dhaliyay kabtanka Kooxda Monoco Falcoa.

War ay soo saartay Kooxda ayey ku sheegtay in kooxda ay bahdilaad ugu filantay dhibta soo gaartay islamarkaana taageerayaasheedii Tikidhada iibsaday loo celinayo lacagahoodii kulankaas.

Madaxweyne ku xigeenka Monoco Vadim Vasilyev, ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in taageerayaasha aan la isugu dari karin guul darro bahdilaad ah iyo lacag laga qaaday sidaasna ay kooxda go’aansatay dib u celinta lacagta ka baxday taageerayaasha.

Angel Di Maria iyo  Giovani Los Celso ayaa min laba gool ka dhaliyay Kooxda Monoco kulan ka dhacay garoonka Parc des Princes,  ee ay ku ciyaarto  PSG,waxaana ay ku qaadatay kaliya 27 daqiiqo.