Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Mourinho oo ka warbixiyay xaaladda Lukaku

Mourinho oo ka warbixiyay xaaladda Lukaku

Tababaraha Kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa ka warbixiyay xaaladda caafimaad ee weeraryahanka Reer Belgium ee Lukaku kaas oo dhaawac ugu maqan dalkiisa.

Xiddiggan ayaa seegay labadii kulan ee ugu dambeysay ee ay ciyaarta Kooxda,waxaana shaki la gelinayaa kulanka kama dambeysta FA Cup-ka ee ay la ciyaarayaan Chelsea.

Mou ayaa u sheegay Website-ka Kooxda Man United in xaaladdiisa caafimaad ay soo kabaneyso islamarkaana uu isaga rajo ka qabo in uu ciyaaro kulanka Chelsea.

Waxaa uu sheegay in uu ku maqanyahay dalkiisa hooyo halkaas oo ay dhaqaatiirta ku daweynayaan,waxaana uu intaas raaciyay in ay suuragal tahay in finalka FA-ga uu ciyaaro.

Xiddiggan oo horay uga tirsanaa Everton,waxaa la wareegtay Man Uited markii uu tababaraha ka noqday Jose Mourinho,waxaana uu ka mid yahay weeraryahannada uu aadka uga helo tababare Jose.