Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Mourinho: Real Madrid waxaan raadsan lahaa laacib kale ma’aha De Gea, Sababta Ogow!

Mourinho: Real Madrid waxaan raadsan lahaa laacib kale ma’aha De Gea, Sababta Ogow!

David De Gea oo ku biira kooxda Real Madrid waa waxa ugu weyn ee la hadal hayo, wuxuuse Jose Mourinho u sheegay kooxdiisii hore in ay raadsadaan Goolhaye kale.

Isagoo hadlayay ka hor kulanka Manchester United ee Champions League ay gurigooda ku marti qaadayaan Sevilla, Portuguese-ka macallinka u dhashay ayaa sheegay in uu aad ugu kalsoonyahay in ay ilaashan doonaan De Gea.

“Waxay ila tahay waa uu joogayaa,” Mourinho ayaa u sheegay La Sexta Habeenkii Isniinta ee xalay.

“Ma Garanayo waxa Real Madrid dareenkeedu uu yahay, balse haddii aan iyaga ahaan lahaa, waxaan ka fakari lahaa soo iibsiga laacib kale.”

“Uma maleynayo in aan ka mid nahay Musharraxiinta Hanan kara Champions League,” taasna wuu Aqbalay oo sidaas ayuu hadalkiisa ku daray Mourinho.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.