Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Mourinho: “waa in abaalgud la igu siiyaa akhlaaq wanaaggeyga”

Mourinho: “waa in abaalgud la igu siiyaa akhlaaq wanaaggeyga”

Tababaraha Kooxda Man United Jose Mourinho ayaa ka yaabsaday warbaahinta kaddib markii si lama filaan ah u sheegay in Madaxda FA-ga England uu uga baahan yahay in ay siiyaan abaal gudka Akhlaaq wanaagga xilliga ay ciyaaraha socdaan.

Mou ayaa sheegay in inta ugu badan tababarayaasha ay isku qeyliyaan sidoo kalena mararka qaar faraha isula tagaan xilliga Garoonka ay ki jiraan ciyaartooyda.

Mou ayaa horay ula dagaallamay Garsoorayaasha,Taageerayaasha,Sarkaalka afaraad ee Garoonka iyo Tababarayaasha ka soo horjeeda,laakiin waxaa uu sheegay in sanadihii la soo dhaafay uu iska daayay arrintaas kuna beddelay edeb wanaag.

Jose ayaa intaas ku daray in xilli ciyaareedkan uu uga fadhiyo FA-ga in ay siiyaan tababaraha ugu waangsan dhinaca Tababrayaasha ee qeybta akhlaaq wanaagga.

Kooxda Man Unted ayaa xalay guul darro 1-0 ah kala kulantay Kooxda Newcastle waxaana halkeeda ka sii socota rikoorka xun ee uu Mou ka heysto Garoonka Kooxda Newcastle.

Todobadii kulan ee uu booqday afar ka mid ah waa laga badiyay halka saddexda kale uu bar barro kala soo laabtay,marka laga reebo Pep-ka Man City wata Mourinho ninka kale ee uu ka adkaan waayay kubadda cagta waa Benitezka Newcastle leyliya.

Ciyaaro Online team

Email: info@ciyaaro.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*