Home - CIYAARAHA SOMALIDA - Muxuu ku dhamaaday kulankii Madbacadda iyo Banadir SC?
????????????????????????????????????

Muxuu ku dhamaaday kulankii Madbacadda iyo Banadir SC?

Kooxda kubadda Cagta ee Banaadir Sports Club ayaa shalay 2-0 uga badisay dhiggeeda Madbacadda kulan ka tirsanaa Somaliya Premier League.

Kooxda BSC ayaa goolka 1aad heshay qeybtii hore ee ciyaarta,waxaana lagu kala nastay 1-0,markii la isu soo laabtay Kooxda Banadir waxaa ay mar kale heshay fursad gool ah waana ay ka faa’ideysatay.

Labo ciyaartooy oo ka kala tirsan labada ciyaaryahan ayaa qaatay kaararka casaanka ah,waxaana ay labada kooxood ku dhameysteen min toban ciyaaryahan.

Garsoore Maxamed Soomaali ayaa dhexdhexaadinayay kulanka ay Banadir ku garaacday Naadiga Madbadda.

BSC hadda waxaa ay leedahay 10 dhibcood iyada oo kooxda Madbacadda ay leedahay lix dhibood,waxaana kulankii  2aad ee xilli ciyaareedkan ay guul darro la kulanto kooxda Madbacadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.