Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Muxuu qaban doonaa John Terry, dhamaadka xagaagan kaddib?

Muxuu qaban doonaa John Terry, dhamaadka xagaagan kaddib?

Daaficii hore ee Kooxda Chelsea sidoo kalena ahaa halyeyga kooxdaas haddase ka tirsan naadiga Aston villa ayaa xagaagan waxaa ku eg heshiiskiisa Aston Villa,waxaana la is weydiinayaa dhowr shaqo oo uu qaban doono.

Terry ayaa waxaa la isku bar bar wadaa dhowr shaqo oo ay ka mid tahay in uu u wareego Horyaallada kale ee ciyaartooyda da’da ah ay ku nastaan sida MLS-ka Mareykanka, A-League Australia iyo China.

Sidoo kale Terry ayaa qaadan kara go’aanno ay ka mid yihiin in uu ka fariisto kubadda cagta, in uu noqdo tababare, in uu noqdo falanqeeye ciyaaraha,waxaa kale oo u furan in uu heshiiska u kordhiyo Kooxda Aston Villa lana joogo ilaa xagaaga dambe.

John Terry waxaa uu ka tagay Chelsea Sanad ka hor,waxaana uu ku biiray Kooxda Aston villa oo uu u saxiixay heshiis hal Sano ah,isaga oo hadda waxbadan oo go’aan gaarid ah ay horyaallaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.