Wararkii U Dambeeyay
Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Neymar: “khilaafkii aniga iyo Cavani waa la xalliyay”

Neymar: “khilaafkii aniga iyo Cavani waa la xalliyay”

Weeraryahanka Kooxda PSG iyo Xulka Brazil ee Neymar ayaa waxaa uu markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka isaga iyo Cavani ka dhaxeeyay.

Neymar ayaa sheegay in murankii labada xiddig uu si lama filaan ah ku billowday hayeeshee hadda xal laga gaaray islamarkaana ay isku midyihiin hadda.

Labada xiddig ayaa shan bilood ka hor ku dagaallamay gool ku laad,waxaana heshiisyada labada xiddig ku jirta in xiddig kasta goolasha uu dhaliyo uu ku helayo lacag dheeraad ah sidaas ayeyna isku qabsadeen.

Cavani ayaa qabsaday kubadda oo uu Neymar isu diyaariyay waxaana ay ahayd Gool kulaad,waxaan khilaafkii halkaas ka dhashay uu sababay in labada xiddig aysan is caawin inta garoonka lagu jiro.

Neymar ayaa seegaya inta ka dhiman xilli ciyaareedkan,iyada oo uu dhaawac cagta ah qalliin la galay,waxaana ay u badan tahay in uu koobka adduunka matalo xulkiisa.