Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Pep Guardiola: ” De Bruyne,waxaa uu u tartamayaa Ballon d’Or”

Pep Guardiola: ” De Bruyne,waxaa uu u tartamayaa Ballon d’Or”

tababaraha Kooxda Kubadda Cagta Man City Pep Guardiola ayaa sheegay in xiddigga Gabarka kooxdaas maamula ee De Bruyne uu u tartamayo abaalgudka Ciyaaryanka ugu fiican ee Ballon d’Or.

Pep,ayaa sheegay in De Bruyne uu xilli ciyaareedkan ka mid yahay musharrixiinta ay suurtagalka tahay in ay ku guuleystaan abaalgudkaas.

Waxaa uu ku doodayaa in Kooxda Man City xilli ciyaareedkan ay u muuqato mid ku guuleysan karta dhamaan tartamada ay ku jirto sida EPL-ka,FA-ga ,EFL-ka iyo Champions League-guba.

Tababare Pep ayaa ku amaanay De Bruyne daacadnimadiisa iyo sida uu u leeyahay xirfadda wanaagsan ee uu hadda la joogi Garoonka Etihad ee ay ku ciyaarto kooxda Sheekh Mansuur.

Waxaa uu sheegay in abaalgudkan ay milkiyaddiisa qaateen Messi iyo Ronaldo hayeeshee aysan taas soconeyn xilli ciyaareedkan marka loo eego bandhigga wanaagsan ee Man City iyo De Bruyne.

Leave a Reply

Your email address will not be published.