Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Philippe Coutinho oo shaaciyay in uu ku laabanayo Garoonka Liverpool ee Anfield, Sababta Ogow!!

Philippe Coutinho oo shaaciyay in uu ku laabanayo Garoonka Liverpool ee Anfield, Sababta Ogow!!

Philippe Coutinho ayaa lagu warramayaa in uu ku laaban doono kooxda Liverpool Sanadkan – si uu kulan Saaxiibtinimo oo heer Qaran ah ugu ciyaaro garoonka Anfield.

Liverpool ayaa laga yaabaa in ay maamulkeedu aqbalaan in Brazil iyo Croatia kulan Saaxiibnimo ay u qabtaan iyadoo la isugu diyaarinayo Koobka Adduunka ka hor maalmo inta aan loo safrin dalka Russia, sida ay warisay Liverpool Echo.

Axad, June 3 tahay waa marka ay dib ugu wada ciyaari doonaan xiddigaha Liverpool Roberto Firmino iyo Dejan Lovren oo iska soo horjeeda.

Waxaa sidoo kale la arki doonaa Coutinho oo kusoo laabanaya Anfield – 5 bilood keddib markii uu £142milyan ugu wareegay Barcelona.

Waxay taageerayaal badan oo kooxda Liverpool ah u imaan doonaan kulankaas in ay daawadaan laacibkoodii hore iyo sida uu ugu ciyaari doono xulkiisa Qaranka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.