Wararkii U Dambeeyay
Home - CIYAARAHA CAALAMKA - PSG oo ku guuleysatay League1, iyada oo 7-1 uga badisay Monoco

PSG oo ku guuleysatay League1, iyada oo 7-1 uga badisay Monoco

Kooxda Paris Saint-Germai ee dalka Faransiiska ayaa dhinaceeda hanatay horyaalka League 1-ka France kaddib markii ay goolal sida daadka oo kale ugu shubtay Kooxda ay xifaaltamaan ee Monoco.

PSG ayaa Monoco uga badisay 7-1 ,waxaana ay sidaas ku noqotay horyaalka France,waxaana ay ku hor dabaaldegeen kooxda ku soo xigtay oo ay ka horreeyaan 17 dhibcood oo nadiif ah.

PSG xilli ciyaareedkan waxaa ay dhalisay 103 gool horyaalka League 1-ka Frnace,waxaana ay ka mid tahay kooxaha ugu goolasha badan Qaaradad Europe.

Kooxda PSG waxaa ay tahay koox xoog ku heysata League 1-ka France waxaana sanadihii la soo dhaafay ay ku guuleysaneysay Horyaalka.

Kooxaha Carbeed ee Manchester City iyo PSG oo laga kala leeyahay Dalalka Imaaraadka iyo Qadar ayaana sidaas ku qaaday horyaallada Ingiriiska iyo France.