Home - CIYAARAHA CAALAMKA - PSG oo lacagta ay kala baxdo Neymar ku dooneysa xiddig ka tirsan Man United.

PSG oo lacagta ay kala baxdo Neymar ku dooneysa xiddig ka tirsan Man United.

Kooxda kubadda Cagta ee PSG ayaan qarin in uu iib noqon karo xiddiga ay dhawaan kala wareegeen Barcelona ee Neymar,kaas oo todobaadkan la soo wariyay in uu isaga tagayo PSG.

PSG hadda waxaa ay qorsheyneysaa lacagta faraha badan ee ay kala bixi doonto Neymar oo la filayo in uu Real Madrid aado ay ku dooneyso xiddigga shabaqa Man United ilaaliya.

David De Gea, ayaa bartilmaameed u ahaa Real Madrid hayeeshee tababaraha Kooxda United-ka Mournho ayaa waxaa uu sheegay in De Gea aan marna laga iibineyn Real Madrid.

Arrintaas waxaa fursad u aragta PSG oo lacago badan ka heli karta Neymar marka uu ku biro Real Madrid iyada oo kala baxeysa lacago ka badan intii ay Barcelona ka siisay

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.