Home - CIYAARAHA CAALAMKA - PSG waxay kaliya Safka ku yeelan doontaa Alves & MCN marka xulka Real iyo PSG la sameeyay

PSG waxay kaliya Safka ku yeelan doontaa Alves & MCN marka xulka Real iyo PSG la sameeyay

Dhammaan Dunida ayaa indhaha ku heysa kulanka Paris Saint-Germain ay wajihi doonto kooxda Real Madrid kaasoo ay safka isku dhafka ah ee labada naadi ku yeesheen uun Kylian Mbappe, Edinson Cavani iyo Neymar.

Dhanka Difaaca ayaa loogu soo daray laacibka Dani Alves MARCA ayaa soo bandhigtay safka marka la isu geeyo labada naadi laga xulan karo, ka hor kulanka Champions League.

In kastoo ay Weerarka oo dhan heystaan PSG, haddana kooxda hoggaamineysa Ligue 1 waxaa intaas u dheer difaaca Garabka Midig ee Dani Alves.

Codeyn laga qaaday taageerayaal badan, waxaa la arkayay in 90% ay doorteen Cavani marka lala tartansiiyo Karim Benzema sidoo kalena 88% ay u codeeyeen Marcelo marka uu la tartamo Yuri Berchiche.

Waxaana laga warqabaa in Raphael Varane ay ka door bideen Marquinhos iyadoo 48% iyo 42% ay la kala yimaadeen, waxaa sii raaca 10% qof oo aan midkoodna dooran.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*