Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo sheegay in Ciyaartoyda 17-jirrada Soomaaliya la Xareynayo loona Diyaarinayo Tartamo kale

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo sheegay in Ciyaartoyda 17-jirrada Soomaaliya la Xareynayo loona Diyaarinayo Tartamo kale

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa wuxuu xalay ka qeyb galay Casho loo sameeyay Ciyaartoyda xulka Qaranka ee da’doodu ka yartahay 17jirrada Soomaaliya, kuwaas oo kaalinta 2aad ka galay koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Wuxuu sheegay in xiddigahaas ay noqon doonaan Mustaqbalka xulka Qaranka Dalkeenna, isla markaana ay tahay in la xareeyo loona diyaariyo koobka ciyaartoyda 20jirrada ka yar ee CECAFA, iyadoo tartamada soo socoda ku meteli doona Xulka Qaranka Soomaaliya.

Dhanka kale wuxuu sheegay in Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ay diyaarisay Sharciga Dhallinyarada, kaasoo Golaha Wasiirrada iyo kuwa Baarlamaanka la horgeyn doono, sidoo kalena uu Sharciga Isboortiga dalka hadda ku jiro la tashiyo ay kala Sameyneyso Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye, bahda Sportiga Dalka.

Wuxuu sheegay in aan Sina looga baaqsan doonin in Ciyaartoyda Qaranka ee Guusha kasoo hooyay Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika la xareeyo oo loo adeegsado tartamada kale ee soo socda.