Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Rasmi: AC Milan oo heshiis la gaartay sharikadda Puma

Rasmi: AC Milan oo heshiis la gaartay sharikadda Puma

Sharikadda Malaiyadaha iyo Kabaha Ciyaaraha soo saarta ee Puma iyo Kooxda AC Milan ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay gaareen heshiis muddo dheer ah oo dhexmaraya labada dhinac.

Milan ayaa heshiiska Malaiyadaha iyo Kabaha kula jirtay Sharikadda ADIDAS,waxaana Milan ay hadda ku biirtay Kooxaha Arsenal iyo Dortund oo heshiis kula jira sharikadda Puma.

Heshiiska maanta ay kala saxiideen Milan iyo Puma ayaa dhaqan gelaya 1da Bisha July ee sanadkan,waxaana wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan Milan ku ciyaari doontaa agabka ciyaaraha ee ay farsameyso Puma.

Xiriirrada Kubadda Cagta ee Dalalka  Italy, Switzerland, Austria, Cameroon, Ivory Coast, Ghana ,Czech Republic and iyo  Senegal oo dhawaan heshiis la geli doonta ayaa ka mid ah Rukunka Puma ee Caalamka.

Puma waxaa ay la mid tahay Sharikadaha ADIDAS iyo NIKE oo agabka ciyaaraha soo saara,kuwaas oo xiriir la leh Kooxaha ugu tunka weyn Qaaradda Europe.

Heshiiska Malan iyo ADIDAS ayaa dhawaan bur buray sida lagu baahiyay Website-ka Kooxda AC Milan ee Dalka Talyaaniga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*