Home - CIYAARAHA CAALAMKA - RASMI: Tababare Caawiye Rui Faria oo xagaagan ka tegaya Man Utd, koox weyn ayuu macallin u noqon doonaa!!

RASMI: Tababare Caawiye Rui Faria oo xagaagan ka tegaya Man Utd, koox weyn ayuu macallin u noqon doonaa!!

Faria ayaa lasoo shaqeynayay tababare Jose Mourinho wax ka badan 17 Sano.

  • United macallin Caawiyaheeda ayaa la rumeysanyahay in uu shaqo joogto ah oo Macallinnimo helayo Mourinho ayaana ninkaan Faria ah aad u aaminsanaa ha yeeshee wuxuu qaban doonaa shaqada Arsenal. Faria ayaa leh damac sare oo uu ka leeyahay Shaqo uu isagu leeyahay maamulkeeda, sida lagu sheegay warbixin ay goor hore daabacday the Sun.
  • Warbixin ay soo saartay United waxaa lagu sheegay, Faria in ay muhiim tahay in kooxdu raadiso beddelkiisa: “Waxaa dhammaad ah 17sano oo aan la iloobi karin oo waaya Aragnimo ah.

“Si waliba, waxaan doonayaa is beddel deg-deg ah waqti dheer keddib. Waxaan jeclahay in aan iraahdo mahadsanid, Jose Mourinho, kaasoo I aaminay waqti badanna isoo siiyay, waxaan rajeynayaa in aan noqdo Ardaygii Riyada.”

  • Mourinho ayaa dhankiisa sheegay: “17-Sano… oo ay kusoo wada qaateen Leiria, Porto, London, Milan, Madrid, London iyo Manchester. Tababar, Ciyaarid, Safarro, Waxbarasho, Qosol iyo Farxad ama xataa Murugo Ooyineed. 17 sano waa markii cunugga qofkii ahaa uu hadda yahay nin weyn. Caaqilkii caadiga ahaa ee kuabdda cagta hadda waa Qabiir, waxaan u rajeynayaa inuu noqdo Macallin weyn.”