Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Real Madrid oo fursad u heysata in ay la saxiixato laacibka Sterling, sababta Ogow!

Real Madrid oo fursad u heysata in ay la saxiixato laacibka Sterling, sababta Ogow!

Raheem Sterling ayaa loo arkaa in mustaqbalkiisa garoonka Manchester City uusan aheyn mid fadhiya – waxaana taasi ay fursad wanaagsan u tahay kooxda Real Madrid.

City ayaan weli wax wadahadal heshiis kordhin ah la furin laacibka Sterling xataa haddii uu ku jiro 2dii Sano ee ugu dambeysay heshiiska uu ku joogo kooxdan.

England laacibkeeda Sterling ayaa wuxuu ku raaxeysanayaa xagaagan kooxdiisa, wuxuu dhaliyay 20 gool wuxuuna door muhiim ah ku lahaa kooxda Pep Guardiola oo sanadkan horyaalka dooneysa in ay qaaddo.

Balse xataa markii ay kooxdu heshiisyada ka kororsatay Kevin De Bruyne iyo David Silva wuxuu filayay in uu yahay ninka 3aad ee City ay heshiiska siin doonto Sterling.

Weli wuxuu sugayaa in loosoo bandhigo Heshiis kordhin, laacibkan, balse Real Madrid oo mar dalab u dirtay ayaa hadda u aragta in uu yahay laacib muhiim ah iyadoo ay hadda si sahal ah ku qaadan doonto, haddii ay Man City ku guuldarreysato in ay heshiiska u kordhiso.

Leave a Reply

Your email address will not be published.