Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Real oo lacag waalli ah ku dooneysa Maxamed Salax

Real oo lacag waalli ah ku dooneysa Maxamed Salax

Kooxda Kubadda Cagta ee Real Madrid ayaa soo bandhigtay lacagaha ay ku dooneyso Weeraryahanka reer Masar ee Maxamed Saalax.

Real Madrid ayaa hadda diyaar la ah lacag dhan £142Milyan oo lacagta Ingiriiska ah,iyada oo horay ugu hungooyday xiddigo uu ka mid yahay Eden Hazard.

Salax aya aa xilli ciyaareedkiisa 1aad ee Liverpool sii maraya 32 gool,waxaana dhaafay Suarez oo ka mid ahaa xiddigaha ugu gool dhalinta badan hal xilli ciyaareed.

Wargeyska El Confidencial  ayaa sheegaya in Liverpool aysan Saalax siisaneyn lacag ka yar €160 Milyan,waaba haddii ay fasaxdo.

Real ayaa hadda sheegeysa in haddii lacaga Liverpool ay dalbatay ee tirada badan aysan ka laaban ay u wareegi doonto xiddigo ay ka midyihiin Mauro Icardi, Robert Lewandowski iyo  Eden Hazard.

Madaxweynaha Real Madrid ayaa sheegaya in mustaqbalka  Cristiano Ronaldo, Karim Benzema iyo Gareth Bale uu hadda yahay mid aan waxbadan la isku sii halleyn karin loona baahanyahay beddel muhiim ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.