Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Salax oo u dabaal degay Kabta Dahabka ah ee Premier League,sabab?
Liverpool's Egyptian midfielder Mohamed Salah celebrates scoring the fourth goal during the English Premier League football match between Liverpool and Watford at Anfield in Liverpool, north west England on March 17, 2018. / AFP PHOTO / Lindsey PARNABY / RESTRICTED TO EDITORIAL USE. No use with unauthorized audio, video, data, fixture lists, club/league logos or 'live' services. Online in-match use limited to 75 images, no video emulation. No use in betting, games or single club/league/player publications. / (Photo credit should read LINDSEY PARNABY/AFP/Getty Images)

Salax oo u dabaal degay Kabta Dahabka ah ee Premier League,sabab?

Horyaalka ugu xiisaha badan Horyaallada qaaradda yurub ee English Premier League ayaa hada soo gaaray heerkiisii dhamaadka, Keliya 1-kulan ayaa ka dhiman in lasoo af jaro Xili Ciyaareedkan 2017/2018.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed salah ayaa wali hogaaminaya gool dhalinta premier League xilli ciyareedkan inkasta oo uu ku fashilmay in uu gool dhaliyo 3-dii kulan ee ugu dambaysay.

Mohamed salah ayaa ka horeeya xiddiga kooxda Tottenham ee Harry Kane 3 gool kaas oo ku jira kaalinta 2-aad korna ugu qaaday goolashiisa 28 kadib markii uu gool ka dhaliyay kooxda Newcastle.

Xiddiga kaalinta 3-aad kaga jira tartanka gool dhalinta horyaalka ee Sergio Aguero ayaa isagu ka maqnaan doona kulanka ugu dambeeya sidaa darteed tartanka ayaa haatan kaliya ka dhexeeya xiddigaha Salah iyo Kane.

Kane ayaa u baahan in uu dhaliyo 4 gool kulanka ugu dambeeya ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto kooxda Leicester city waliba uuna Salah wax gool ah dhalin si uu markii 3-aad oo xiriir ah ugu guulaysto gool dhalinta horyaalka premier League.

Hoose Kaga Bogo 4-ta xiddig ee ugu goolasha badan horyaalka Ingiriiska:

Salah: 31 gool

Kane: 28

Aguero: 21

Sterling: 18