Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Sessegnon oo ku guuleystay laacibka sanadka ee Championship

Sessegnon oo ku guuleystay laacibka sanadka ee Championship

Da’yarka Kooxda  Fulham,Ryan Sessegnon, ayaa ku guuleystay shan abaalgud oo ay ka mid tahay xiddigga sanadka ee Championshipka England.

Ciyaaryahanka u ciyaara Kooxda Reer London ee sanadkan u soo gudbeysa Premier League ayaa aad uga dhex muuqday safka Kooxda Fulham,waxaana uu isku darsaday shan abaalgud oo muhiim ah.

Waxaa kale oo uu ku guuleysta xiddigga ciyaaraha sanadka ee  EA Sports,Kooxda Sanadka ee EFL, iyo abaalgud gaar ah oo uu ku helay ciyaartooyda muujisay horumarka xilli ciyaareedkan.

Xiddiggan oo 17 jir ah waxaa uu qeyb ka ahaa horumarka Tababare Slavisa Jokanovic,waxaa uu dhaliyay 14 gool 42 kulan oo uu u ciyaaray sanadkan Kooxda Fulham.

Waxaa kale oo uu ku guuleysan karaa xiddigga ugu da’da yar Sanadka ee Kubadda Cagta England iyada oo ay kula tartamayaan ciyaartooy kale oo ajannabi ah.