Home - CIYAARAHA SOMALIDA - Shirka Sanadlaha ah ee Xiriirka Kubadda Koloyga oo Muqdisho lagu Qabtay, xilal Cusubna lagu Magacaabay “Sawirro”

Shirka Sanadlaha ah ee Xiriirka Kubadda Koloyga oo Muqdisho lagu Qabtay, xilal Cusubna lagu Magacaabay “Sawirro”

Shir sanadeedkan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiinta xiriirka soomaliyeed ee kubadda koleyga Marti sharaf ka kala socotay Guddiga Olombikada soomaaliyeed  , wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha, madaxda kooxaha Xiriirka kubadda koleyga , Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka, qubaro isboorti  iyo marti sharaf kale oo goobta lagu casuumay.

Gudoomiyaha xiriirka soomaliyeed ee kubadda koleyga Mudane  C/lahi Nuur Maxamed Cadaani oo ugu horeyn munaasabada ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey waxyaabihii xiriirkiisa u qabsoomay sanadkii lasoo dhaafay iyo waxa sanadkan u qorsheysan, waxuuna tilmaamay in inta badan qorshe howleedi   uu si wanaagsan ugu qabsoomay, basle ay sanadkan doonayaan in dardar xooggan uugeli doono xiriirka.

Sidoo kale waxaa goobta iyana ka hadlay masuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa gudoomiyaha Isbortiga ee gobolkan Banaadir waxeyna dhamaantood bogaadiyeyn wax qabadka ay sanadkii lasoo dhaafay muujiyeyn maamulka xiriirka soomaliyeed ee kubadda koleyga.

Ugu dambeyn Dahabo Suusoow oo ka mida Xildhibaanada golaha shacabka ayaa aad u amaantay shaqada wanaagsan oo ay qabteyn  maamulka xiriirka soomaliyeed ee kubadda koleyga waxeyna dhinaca kale dalbatay in la kordhiyo tartamada kala duwan ee  gabdhaha loo qabto.

Kadib qudbadha Masuuliyiinta waxaa  Goobta  Xubnana  Shirweynaha oo ka koobnaa   14  ay codeyn u qaadeen wax ka adban lagu sameeyo qodobka 32 ee Dastuurka xiriirka kaasoo dhigayay in ay Xoghayaha  Xiriirka lasoo dooranayo, waxayna   13 kamid ah u codeeyeen in Waxii ka dambeeyay  mudada afartsano  uu Xoghayaha magacaabis noqon doono waxaana kasoo horseestay  hal cod , taasoo kadhigan cod  ansax ah.

Dhanka kale waxaa  Guddoonka  xiriirka uu soo bandhigay xubno cusub oo xiriirka kubadda Koleyga kusoo biiraya  kuwaas uu guddoomiyaha   Xiriirka uu sheegay in loogu talo galay in ay door lixad leh ka qaataan, waxana wehliyey  xubno  sharaf    uu xiriirka ku dhawaaqay waxayna  kala noqdeen.

  Xilalka la magacaabay

Injineer Baana Cabdalla Cali  Xiriiriyaha   Xiriirka Soomaaliyeed   kubadda Kolayga Hey’adaha Caalamiga

Cabdullaaahi Jimcaale  Maalin ( Cabdi bile)   kaaliyaha Xoghayaha   Howlaha  Fullinta

Faadumo Aweys Maxamed  ( Madaxa Mini  Basketball-ka

Cabdifitaax Maxamed Macoow ( Buukaale ( si Kumeel gaar ah  Madaxa Arimaha Danaha  Ciyaartoyda )

Xubin Sharafeedka Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga

Raiisul Wasaaraha Dalka  Mudane Xasan Cali Kheyre uu Xubin Sharaf ka noqonaya  Xiriirka Soomaaliyeedd ee kubadda Koleyga.

Laacibadii Hore  kubada Koleyga Caasho Xasan Xuseen   isla markaana  Kamid ah Saraakiisah Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo iyana  xiriirka uu u gartay Xubin sharafeed.

W/D: Xabiib Axmed Cali

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.