Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Somalia oo iska xaadirisay finalka CECAFA kaddib markii ay garaacday Uganda

Somalia oo iska xaadirisay finalka CECAFA kaddib markii ay garaacday Uganda

Xulka Qaranka Soomaaliya ee 17 jirrada ah ayaa guul muhiim ah ka gaaray dalka Uganda,waxaana ay u gudbeen kama dambeysta tartanka Ciyaaraha kubadda Cagta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa gool kulaad ka badbaadiyay kuwa Uganda,waxaana ay ka dhaliyeen gool,sidaas ayey Soomaaliya uga badisay Uganda uguna gudubtay kama dambeysta tartanka Ciyaaraha Bariga iyo bartamaha Afrika.

Tababaraha Xulka Qaranka Soomaaliya Maxamed Farayare ayaa sheegay isaga oo kaftamayay in Soomaaliya ay garaacday dalalka Ciidanka u diray Soomaaliya ee AMISOM sida Ethiopia,Kenya,Burundi iyo Uganda oo ugu dambeysay.

Xulka Qaranka Soomaaliya waxaa ay ciyaarta kama dambeysta ah la ciyaari doonaan xulka Qaranka Tanzania maalinta Axadda ah ee soo socota.