Home - CIYAARAHA SOMALIDA - Somalia Premier League: Banaadir SC vs Elman Galabta & Kulan Xiiso badan, Yaa ka maqan labada dhinac?

Somalia Premier League: Banaadir SC vs Elman Galabta & Kulan Xiiso badan, Yaa ka maqan labada dhinac?

Laba kooxood oo ka mid ah kuwa ugu quwadda Badan Horyaalka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa maanta ku kulmi doona Garoonka Koonis ee Degmada Cabdicasiis Muqdisho.

Kulanka ayaa u dhexeeya kooxaha Banaadir Sport Club iyo Elman, wuxuuna ka mid yahay kulamada Toddobaadka 4-aad ee horyaalka, iyadoo labada kooxood ay Kaalimo isku xiga ka fadhiyaan kala sarreynta horyaalka dalka.

Banaadir ayaa 3-dii kulan ee ay Ciyaartay Mar badisay marna Garab dhacday halka marka kalena laga Adkaaday, marka la fiiriyo kulan ciyaareedyadii ugu dambeeyay.

Dhanka Elman, Laba kulan waa laga badiyay halka ay ciyaarta kalena Adkaatay, iyadoo ay kala leeyihiin Elman oo leh 3 dhibcood iyo Banaadir oo leh 4 dhibcood dhanka kala sarreyntana 5-aad iyo 6-aad ayey uga kala jiraan horyaalka Dalka sanadkan.

Elman ayaan heli doonin waxqabadka xiddigo uu ka mid yahay laacibka Meyman, kaasoo dhaawac uu soo gaaray ciyaarihii Furitaanka ee horyaalka Sanadkan.

Macallin Cabdi Joon laacibkii hore ee xulka Qaranka dalkeena ayaa rajo wanaagsan ka qaba in ay sanadkan u noqon doonto kooxdiisa mid wacan, iyadoo Sanadkii hore ay kooxdu isku darsatay koobabka Janaraal Da’uud iyo Super Cup-ka dalka.

Hussein Mbalangu Macallinka dalka Uganda u dhashay ee hoggaamiya kooxda Banaadir SC ayaa wuxuu dhankiisa doonayaa in kooxdu ay kasoo kabato Culeysaad ka heysta hab ciyaareedkeedii oo hoos u dhacay, ugu yaraanna kulanka Galabta ugama qanci doonaan guul la’aan.

Kulanka: Elman vs Banaadir SC

Garoonka: Koonis Muqdisho

Saacadda: 03:30pm Galabnimo Geeska Afrika

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*