Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Somaliya oo gaartay Sami finalka SECAFA U-17

Somaliya oo gaartay Sami finalka SECAFA U-17

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ee da’doodu ka yartahay 17 jirrada ayaa u gudbay sami finalka Tartanka SECAFA U 17 kaddib markii ay xalay bar barro ku celiyeen xulka Burundi oo ay wada ciyaareen.

Somaliya waxaa ay horay saddex dhibcood iyo saddex gool uga heshay xulka Itoobiya oo ciyaartii dhexmartay ay ku dhamaatay 3-1 hayeeshee Itoobiya lagu helay ciyaartooy 3 ah oo ka weyn da’da 17 jirrada.

Itoobiya ayaa iyada oo ka gadoodsan arrintaas isaga baxday tartanka,waxaana Groupkaas isugu soo haray Somaliya,Kenya iyo Burundi.

Xulka Burundi ugu hooseeya oo leh 1 dhibic,kulankii 1aad Kenya ayaa ka badisay,Kenya waxaa ay for feit ka heleysaa Itoobiya oo isaga baxday tartanka sidaas ayeyna Somaliya iyo Kenya uga soo baxeen Groupkaas inkasta oo ay labadooda ciyaari doonaan.